Latest Article

6/recent/ticker-posts

Qisadii Xajjaaj Bin Yusuf

Waxa lasheegaa in ninkii la'odhanjiray XIJAAJ BINU YUUSUF  ASSAQAFI oo kamida ahaa hogaamiya  yaashii dawladii AMUWIYIINTA  caana ku ahaa dhiig-daadinta iyo dulmiga ayaa maamulkiisu dil  ku xukumay 3nin oo muddo uguxidhnaa xabsiga (jeelka)


Sidii caadiga u ahayd XAJJAAJ waxa uu kasooqaybgalay fagaarihii  (GOOBTII)  3nin lagu dilayay markii ninkii dilka fulinayay uu lasoo baxay SEEFTII uu qoorta kaga jarilahaa ayaa xijaaj si kedis (dhakhso) ah u arkay gabadh aad u qurux badan oo ooyaysa  kadib wuxu dalbaday in dilka loo kaadiyo ama layara dib dhigo oo bal gabadha dadka daawadayaasha ah kadhex ooyaysa loo keeno.


XAJAAJ gabdhii waxa uu waydiiyey waxa ka oohiyay? 

Waxa ay ugu jawaabtay: "3-dan nin ee aad dilka ku xukuntay waa:-

- SAYGAYGII

-WALAALKAY

-WIILKAYGII

XAJJAAJ oo lamoodo in uu u calool debcay gabadhan ayaa go'aansaday in uu 3-da nin kalareebo oo midkamida gabadha fadligeeda kucafiyo kadib waxa uu kuyidhi Dooro midka mida oo aan kuu cafiyo  xijaaj waxa uu filayay in gabadhani aydooran doonto WIILKEEDA Maadaama ay hooyo waliba ilmeheeda dunida ugu jeceshahay  dadkii goobta joogay oo dhami waxay sixiiso leh ugu dheg taageen jawaabta gabadha kasoobixi doonta xageeda ayaa dareenka loosowada jeediyay.

Gabadhii intay cabaar yar aamustay oo eegtay 3-dii nin ayaaytidhi

"waxan doortay WALAALKAY"!


XAJJAAJ ayaa uqaadan waayay jawaabtaas  markaasuu hadana markale waydiiyay waxay kudooratay Walaalkeed...?

Gabadhii waxay ku jawaabtay

- SAYGAYGA hadii aan waayo waanheli ninkale oo aan guursado.

- WIILKANA aniga ayaa dhalay oo inta aan noolahay midkale waa aan dhalikaraa.

- Balse  WALAALKAY dib uhelimaayo oo aabahay iyo hooyadayba waa ay geeriyoodeen sidaa daraadeed majirto waalid dambe oo walaal  iidhalayaa.


kadib gabadhan hadalkeedu wuxu noqday hal-qabsi iyo xikmad xajjaaj oo aad uga helay xikmadeeda iyo caqligeeda  ayaa waxa uugo'aansaday  in uu darteed 3-da nin ucafiyo sidaasayna dhamaantood kubadbaadeen gabadhina kufaraxday murugaysnayd.


Post a Comment

0 Comments