Assalaamu calaykum waraxmatulaahi wa barakaatuh
Dhalinyarnimadu waa wakhtiga ugu qaalisan ee aadamuhu maro, waa xilliga uu qofku go'aamin karo mustaqbalkiisa iyo aayahiisa dambe hadii uu aale uqadaro nolol dheer.
fadlan jooji ! fikiradaa khaldan meelna kuuma wadaan xoogaagi, awooddaadii maskaxeed tii jidheed ba way kaa qadanayaan hadhowna waxaad arki adoo waxba ka hayn qosolkii , kaftanki iyo dhalinyaro raaciddi badnayd,
kuma lihi noqo qof aan qoslin farxin dhalinyaro raacin balse waxaan uga jeeda noqo mid wakhtigu unidaamyahay.
Akhristaha sharafta badanoow waxaan kugu boorinayaa inaadan noloshaada ka ilaawin cibaadada iyo acmaasha wanaagsan waxaa jira waxyaabo kuu dhuuman kara markaad tahay dhalinyar waxaana kamida inay waxyaabo xaaraan ah aykusoo galaan oo anaad ufiirsan
sida :- LACAG ,DHAR,CUNTO.
hadii an tusaale usoo qaato qiso yar oo dhacday wakhihore
waxaa jiray nin kamida dadki wanagsanaa kadib wuxuu soomaray isagoo da' wayn aha ama ninwayn ah caruur ama dhalinyar geed ka boodaysa kadib isna wuu kabooday wayna layaabeen siduu isago qofwayn ah uga booday wuxuu ku yidhi kelmad cajiiba oo u dhignay sidan :-
( ILAAHAY AYAAN ILAALIYAY YARAAN TAYDII ISAGUNA WAYNAANTAYDII AYUU I ILAALIYEY)
oo macnaheedu tahay waxan iska ilaaliyey macaasidii oo wan adeecay ilaaheyna waxa igu abaal mariyey cafimaad iyo awood.
Gebagebadii
ku dadaal cibaadada ,wakhtigaagana ka faa'idayso adigoo naftaada cidhiidhi gelin ama cabudhin .
0 Comments